Puntland ayaa wafdi heer wasiiro ah u dirtay dalka Itoobiya, halkaasoo ay ka bilawdeen wada hadallo lagu doonayo in lagu dhiso xiriir iyo iskaashi dhexmara Puntland iyo Itoobiya.
Maanta ayaa wafdi ka socda Puntland oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Maaliyadda Maxamed Faarax Maxamed wuxuu la kulmay Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Mesganu Arga.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa shaacisay in Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda, Danjire Mesganu Arga, maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo heer wasiir ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamed.
Labada wafdi waxay ka hadleen fursadaha iskaashi ee ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.
Sidoo kale Danjire Mesganu ayaa ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xiriirka Puntland, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya ay diyaar u tahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh. Waxa uu sidoo kale fariin hambalyo ah u diray dowladda Puntland sida wanaagsan ee ay u qabsoontay doorashadii dhawaan dhacday.
Xafiiska wararka Muqdisho