Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dil xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo loo geestay Sarkaal ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya., waxayna Somaliland ku eedaysay arintaas Dowlada dhexe ee Somaliya.
Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan ayaa sheegay in ay go’aan ku gaareen in si deg deg ah qiimeyn loogu sameyn doono shaqaalaha ka soo jeeda Somaliland ee horrey uga shaqeyn jiray arrimaha hawada isla markaana hadda la shaqeeya dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu sheegay in falkii lagu dilay Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan oo xalay maydkiisa laga helay Gurigiisa oo ku dhex yaalay Garoonka Muqdisho, ay tahay mid huwan siyaasad.
Xafiiska Wararka Muqdisho