October 10, 2024

Maamulka Somaliland ee Hargaysa  ayaa  xabsiga dhigtay askar maalintii shalay aheyd soo xirtay fanaan reer Jigjiga ah oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Habane (Maxamed Yare).

Xariga fanaanka oo gadood xooggan uu ka dhashay ayay ciidamada amaanka Somaliland ay sheegeen in lasii daayey, ayaga oo shaaciyay inay xabsiga dhigeen 4 askari oo qeyb ka ahaa soo xirista fanaanka.

Askarta la xiray ayaa la sheegay in loo haysto dambi sharci jabin ah, ayada oo qaar kamid ah hobolada Hargaysa oo shalay ka qayliyay xariga Maxamed Yare ay maanta sheegeen in raali-gelin laga siiyay wixii dhacay.

Sidoo kale Waxay sheegeen in askarta xirtay fanaanka aysan ku socon amar ka sareeya ama waaran maxkamadeed, taasi oo u muuqata in laamaha amaanka Somaliland uu ka xeeladeystay xariga fanaanka oo gadood xooggan ka abuuray Hargeysa.

Xafiisika Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply