Maamulka Somaliland ee magaalada Hargaysa ayaa ku tilmaantay xarigga fanaanadda caanka ah Ugbad Aragsan oo xalay xabsiga Hargeysa ay ku xireren ciidamada Booliska ee maamulkaasi.
Qoraal kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in xarigga Fanaanada Ugbaad Aragsan uu yahay mid sharci ah, ayaga oo sheegay in ay dhaqanxumo faafinaysay iyo wax ka hor imaanaya diinta islaamka.
Booliska ayaa shaaca ka qaaday in Ugbaad Aragsan loo xiray faafinta dhaqan xumo ay ku haysay baraha bulshada ee Internetka, kuwaas oo ka horjeedo Diinta Islaamka, sida lagu sheetay qoraalka.
Sidoo kale Somalilane ayaa sheegtay in fanaanada lagu sameyn doono baaris dheeraad ah, kadibna la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.
Dhinaca kale hadal hayn xoogan ayaa ka dhalatay xariga Ugbaad Aragsan, dadka qaar ayaa soo dhaweeyay halka, kuwa kalena ay kasoo horjeesteen.
Xafiiska Wararka Muqdisho