Maamulka Somaliland ayaa u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya hanjabaad nooceedu cusub yahay oo la xiriirta hawada.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland Cumar-sayid Cabdulaahi Aadan ayaa ku eedeeyay Muqdisho inay ku xadgudub tahay heshiisyada labada dhinac ee maamulka hawada, isaga oo sheegay inay siyaasadeeyeen maamulka hawada.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay dacwad u gudbisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee duulimaadyada caalamiga ah. Waxa uu intaa ku daray inay tilaabo ka qaadi doonaan xadgudubyo ay sheegeen in dowladda federaalka ay ku hor istaagay duulimaadyo ku socda Hargeysa.
Sidoo kale Waxa uu Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland intaa ku daray in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay ku tagrifasho dakhli ka badan lixdan milyan oo doolar oo sanad walba kasoo gasha maamulka hawada. Waxa uu sheegay in afartan boqolkiiba ay ahayd inay lacagtaas hesho Somaliland.
Office Nairobi Kenya