Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa shalay agaasimay muxaadaro cinwaankeedu ahaa (Sababaha keenaya damaca Itoobiya ee dhul ballaarsiga iyo farogelinteeda Soomaaliya) oo uu jeediyay Dr. Xasan Maxamed-nuur Axmadey oo aad ugu xeel-dheer cilmiga taariikhda.

Muxaadaradani ayaa waxaa madasha laga jeedinayay goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Mudane Cali Maxamed Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Guddiga sare ee latalinta Wasaaradda, agaasimayaasha waaxyaha, diblomaasiyiinta iyo howlwadeennada Wasaaradda.

 

Dr. Xasan, ayaa soo bandhigay damaca guracan ee Itoobiya iyo ka been abuuriddeeda taariikhda soo jireenka ah ee Geeska Afrika, isaga oo sheegay in xukunnadii kala duwanaa ee soo maray dalkaasi ay lahaayeen hal ujeeddo oo qura oo ah wiiqidda awood dowlad dhexe oo ka hana-qaadda dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in haddii midnimo iyo wadajir ummadeed ka dhaqan-galo dalka uu xirmi doono albaabka gardarada iyo xadgudubka Itoobiya.

Wasiirka iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda oo hadallo ka kala jeediyeen muxaadarada ayaa waxa ay si wadajir ah u adkeeyeen in laga howlgalo sidii qalinka, maxkaxda iyo muruqa Soomaaliyeed u shaqayn lahaayeen si looga guul keeno siyaasad qaran oo majaxaabinaysa damaca waallan ee Itoobiya, una saldhigi lahayd “Soomaali Heshiis ah”.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply