Saraakiisha waddanka Mareykanka ayaa sheegaya in agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka uu ka qeyb gali doono wadahadallo heer sare oo dhacaya maalmaha soo socda, kuwaas oo looga arrinsanayo sidii loo soo siideyn lahaa maxaabiista reer Israa’iil ee ay weli gacanta ku hayaan ururka Xamaas.

William Burns ayaa lagu wadaa inuu la kulmo dhiggiisa Israa’iil iyo sidoo kale saraakiisha waddamada Masar iyo Qadar.

Wadahadalladaas ayaa loo arkaa inay astaan u yihiin hanaan diblumaasiyadeed.

Xamaas waxay dooneysaa xabad joojin joogto ah, si ay u siidaayaan maxaabiista aay hayaan, taas oo ay Israa’iil ay caddeysay inaysan ogolaan doonin.

In ka badan 100 qof oo Israa’iil u dhashay ayay weli gacantaugu jira ururka Xamaas.

Xigasho

Office Nairobi Kenya

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply