December 6, 2024

 

Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa maanta kulan miro dhal ah kula qaadatay xarunta Wasaaradda Hay’adda NIS Foundation.

Kulanka oo uu shir gudoomiyay Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta, Mudane Maxamuud Siciid Nuur ayaa ujeedkiisu ahaa dardargelinta heshiis is-afgarad oo ay goor sii horaysay kala saxiixdeen Waaxda Kormeerka iyo Hay’adda NIS- Foundation

Shirka ayaa lagu faaqiday sidii looga miro dhalin lahaa is-garadka looguna bedeli lahaa heshiis rasmi ah oo ay ka wada faa’idaystaan labada dhinac.

Waxaa sidoo kale, shirka si gaar ah diiradda loogu saaray sidii qiimayn (Evaluation) dhab ah loogu sammeyn lahaa mashaariicda dhammaaday iyo u diyaargarowga kuwa gabogabada maraya ah, iyadoo Agaasimaha Kormeerka iyo Qiimaynta uu faahfaahiyay siyaasadda kormeerka iyo Qiimaynta oo dhawaan Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply