November 12, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Uganda halkaas oo uu kaga qeyb-galayo shir aan caadi aheyn oo ay Madaxda Urur-Goboleedka IGAD kaga arrinasanayaan faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa halkaas ku soo bandhigi doona baaxadda xadgudubka Itoobiya ay ku heysto madax-banaanida Soomaaliya.

Sidoo kale Soomaaliya waxaa u qorsheysan inay shirkaas ku soo bandhigto digniin ku saabsan xasilooni darrada amni ee Itoobiya ay ka abuureyso gobolka oo dhibaato badan sababi karta.

Dhinaca  kale madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu khudbadda uu ka jeedinayo shirkaas ku xooji doonaa go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ay ku laaleen heshiiskii sharci darrada ahaa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen.

Soomaaliya ayaa ku doodi doonta in wixii lagu tilmaamay heshiiska ee Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ay galeen 1-dii bishaan uu ka hor imaanayo xeerarka caalamiga ah iyo shirciyadda ay ku dhisan yihiin ururrada Midowga Afrika iyo IGAD oo Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wada tirsan yihiin.

 

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply