Madaxweynaha cusub ee dalka Liberia Joseph Boakai ayaa sii wadi waayay khudbaddiisii caleema-saarka oo ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Monrovia, isagoo u muuqday inuu suuxi gaaray laguna qasbanaaday in garbaha laga qabto.

Wuxuu hadlayya muddo 30 daqiiqo ah markii ay caddaatay inuu hadalku dhibayo.

Mr Boakai ayaa waxaa ku hareereysnaa kalkaaliyeyaashiisa iyo xubno ka tirsan waaxda dhowrista.

Xafladdan ayaa kadib la hakiyay.

Madaxweynaha oo 79 jir ah ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da weynaa Liberia waxaana leysla dhex marayaa in caafimaadkiisu uu liito

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply