Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay kasoo laabtay safar uu ku tagay dalka Eriteriya ayaa sheegay in Eriteriya ay “waligeed la jirtay Soomaaliya.
“Gobolkeenu waa gobol aad u kacsan. Waxaan u imid inaan la wadaago aragtida Soomaaliya ee ku saabsan gobolka. Markaa waxay ahayd xog-wadaag iyo is xog-waraysi oo aannu marar badan samayno,” ayuu yidhi isaga oo la hadlayey telefishanka dawladda ee Eriteriya.
Waxa uu sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo “taageerada joogtada ah” ee ay Eriteriya ka siiso Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.
“Eriteriya waligeed waxay la jirtay Soomaaliya, aad iyo aad ayaan uga mahadcelineynaa taas. Eriteriya ayaa si weyn u taageertay Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dabcan, Eriteriya waxay taageertay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya waana mawqifka caalamiga ah ee Ereteriya. Weli way taagan tahay oo Madaxwaynuhu wuxuu iigu celiyay maanta. Aad iyo aad ayaan uga mahadcelineynaa taas sidoo kale,” ayuu yidhi.
Hoggaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa mowqifkan ka sheegay kulan uu shalay la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Soomaaliya. Hasey yeeshee weli war rasmi ah oo kulankan ku addan kama soo bixin dhanka Afwerki.
BBC
Office Nairobi kenya