Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ay ka socota qabanqaabada munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Dani.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Madaxda tagaysa caleema saarka Deni uu ka mid yahay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo waayadii dambe aanay isku fiicnayn Madaxweynaha munaasabadda caleema saarkiisu dhacayso.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo weriyayaasha kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in casuumad loo diray Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaan uu aqbalay ka soo qaybgalka caleema saarka Dani.
Office Nairobi Kenya