October 5, 2024

Wararka ka imaanaya magaalada Jowehar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu shir deg deg ah uu shir guddoomiyay.

shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Hirshabeelle, ayaa looga hadlay xaalada amaanka ee maamulkaas iyo arimo kale oo ay ka midyihiin abaaraha iyo daadadka.

Waxaa kale oo ka qeyb galay shirka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Sidoo kale Shirka gaarka ah ayaa warbixin looga  dhageystay Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle oo ku aadan raadadka ay reebtay Elnino.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin ayaa dhankiisa ka warbixiyay fatahaadihii ka dhacay dalka iyo cabsida xoogan ee laga qabo Roobka Guga’

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply