September 18, 2024

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo  oo lagu wado in maanta ay gaaraan Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Garoowe uga qeyb galaya Munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo mar kale dib loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Puntland, kadib doorashadii 8-dii bishaan Janaayo dhacday.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo u warramay BBC-da ayaa u sheegay in Madaxda lagu casuumay Munaasabadda caleemo-saarka Deni uu kamid yahay Madaxweynaha dowladda Federaalka, isla markaana uu ka qeybgalayo.

Sidoo kale Wuxuu tilmaamay Wasiirka in wafdi hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh ay saakay gaareen magaalada Garoowe, lana sugayo Madaxweynaha oo ay haatan qaban-qaabadiisa ka socoto Garoonka diyaaradaha Jen. Maxamed Abshir ee magaaladaasi.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply