Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in  Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu soo saaray amar lagu joojinayo dhisme uu magaalada Hargaysa  ka dhisaayay Cabdikariin Axmed Mooge.

Biixi ayaa hakiyay dhismaha ay dowladda hoose u qorsheysneyso  in ay ka dhisto suuqa Xisbiga, kaas oo uu ka dhashay muran xoogan.

Dhismaha ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa in halkaas oo ay hadda dagan yihiin dad shacab ah laga dhiso xarunta degmada 26 June.

Sidoo kale Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan, waxaana khilaaf uu soo kala dhex-galay Maayar Mooge iyo xildhibaano uu kamid yahay Barkhad Baatuun oo ka horimid dhismahaaasi iyo in la barakiciyo dad danyar ah oo haatan ku ganacsada suuqa laga rabo in la dhiso.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply