Wararka ayaa sheegaya in tegitaankiisu ka dambeysay marti-qaad uu ka helay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Meskel.
Wafdiga madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay dalkaasi ku joogaan laba maalmood oo ah booqasho shaqo.
Sidoo kale Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, kor u qaadidda iskaashiga difaaca, amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay madaxtooyada Villa Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore ugu tagay Eretria booqashooyin si uu dib ugu soo celiyo ciidamo lagu tababarayay halkaas.
Xafiiska Wararka Muqdisho.