Wararka ka imaanaya Villa Somaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Norway, Andreas Kravik oo booqasho ku yimid caasimadda Muqdisho.
Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada horumarinta, amniga, ladagaalanka argagixisada iyo xasilinta deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta.
Madaxweyne Xasan shekh uga mahadceliyey dowladda Norway taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dowlad dhiska.
Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu ku boorriyay Norway in ay sii kordhiso doorka ay ka qaadato horumarinta, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka cimmilada, xasiloonida Soomaaliya iyo gobolka.
Xafiiska Wararka Muqdisho