Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safray dalka Talyaaniga, isagoo ka qeyb galaya shir madaxeedka Talyaaniga iyo Afrika oo socon doona 28-kii iyo 29-kii bishan Janaayo
Ujeedada shirka ayaa ah in lagu soo bandhigo qorshaha istiraatijiyadeed ee Talyaaniga kaas oo ujeedkiisu yahay in dib u eegis lagu sameeyo habka uu dalkaas u wajahayo qaaradda Afrika.
Sidoo kale Talyaanigu waxa uu la wareegi doonaa hoggaanka kooxda todobada ah (G7) sanadkan 2024 waxa uuna ballan qaaday in uu Africa ka dhigi doono hal ku dhig inta uu hogaanka hayo.
Shirka Talyaaniga iyo Afrika ayaa diiradda lagu saari doonaa qorshaha iskaashiga tamarta oo Talyaanigu doonayo inuu u soo bandhigo waddamada Afrika, oo ay Soomaaliya ku jirto.
Office Nairobi Kenya