Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cismaan Ilyaas Lugatoor ayaa ku dooday in nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya loo bedelay maamul kaligii talis ah 30 sano ka dib, iyadoo awoodda dalka ay tahay mid dhexda u ah xafiiska madaxweynaha.
Intii lagu guda jiray dood ka dhacday X (Twitter-kii hore) , Mr. Lugator wuxuu sheegay in wax ka bedelka dastuurka looga dan leeyahay in laga xayuubiyo awoodaha dowlad goboleedyada iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
“Dastuurkan cusub waxa uu dhigayaa nidaam midaysan, oo awoodda oo dhan ay ku urursan tahay madaxweynaha; dalku hadda waxa uu luminayaa dheelitirka awoodda,” ayuu yiri Lugator.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku nuux nuuxsaday in nabaad guurka awood qeybsiga dowladda uu hadheeyay dadaaladii Puntland ee dhismaha dalka. Waxa uu sheegay in Puntland ay weli ka go’an tahay Soomaaliya, isla markaana ay si joogto ah ugu ololeyso dhismaha dalka oo ku saleysan midnimada federaalka iyo ilaalinta dastuurka Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Lugator ayaa ka digay in wax ka bedelka dastuurka Soomaaliya uu horseedi karo kala qeybsanaan dalka.
Xafiiska Wararka Muqdisho