December 4, 2024

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa yiri, “Ma jirto cid naga dhaadhicin karta inaan Xamaas ugu yeerno urur argagixiso. “Turkiga waa wadan si adag u taageera Xamaas,” ayuu yiri. Isaga oo tixraacaya kulankii uu todobaadkan Ankara kula yeeshay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, waxa uu yiri “Isra’iil oo ah waddan argagixiso waxa ay fulinaysaa xasuuq dhammaystiran oo ka dhan ah walaalaheen Falastiin.

Edogan waxa uu ka hadlay Shirka Guud ee Hay’adda Faafinta Sayniska ee lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Jaamacadda Haliç ee Istanbul.

“Turkigu waa dalka kaliya ee taageera qadiyada Falastiin heerka ugu sareeya. ayuu yiri Erdogan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply