Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shir ku saabsanaa Amniga Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen dalalka sida dhow u taageera amniga dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga. Sida lagu baahiyay bogga Villa Soomaaliya.
Shirka ayaa lashegay in lagu lafa guray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.
Villa Soomaaliya ayaa tibaaxday in madaxweyne Xasan Sheekh uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo in laga fogaado wiiqidda guulihii adkaa ee laga soo hoyey dagaalka ka dhanka Al-shabaab.
Soomaaliya ayaa sannadihii u dambeeyay sare u qaadday dagaalka ka dhanka kooxda Al-shabaab.
Office Nairobi Kenya