Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga hadlay dardargalinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Shirka ayaa waxaa kale oo looga hadlay dhammeystirka bixitaanka ATMIS, iyo diyaar garowga qorshaha howlgalka kooban ee lagu xaqiijinayo amniga marka dalka ay ka baxaan ciidanka ATMIS .
Sidoo kale Madaxweynaha oo dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta amniga dalka, ayaa ku adkeeyay hay’aduha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xakameynta Hubka iyo Rasaasta ee lagu maamulayo dalka.
Xafiiska Wararka Muqdisho