January 25, 2025

 

Madaxweynaha  Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka sagootiiyay 19 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ka geystay Hotel SYL ee magaalada Muqidisho, Xili uu ku sii jeeday Safarka uu ku tagayo dalka Ereteriya

 

Madaxweynaha ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhankiisa sheegay in dhaawacyadan loo qaaday dalka Turkiga halkaasna dabiibid caafimaad loogu sameyn doono.

.

Xafiiska Warara Muqdisho

 

Leave a Reply