April 19, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin tacsi ah soo dhigay barta uu ku leeyahay X, isagoo dawladda Nambia iyo shacabkeeda uga tacsiyadeeyay geerida saaka ku timid Madaxweyne Hage Geingob oo isagoo 82 jir ah saaka ku dhintay isbitaalka Lady Pohamba ee caasimadda Windhoek, halkaas oo lagu daweynayay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay Geingob nin u adeegayay dadkiisa muddo dheer, isla markaana codkiisa aad looga tigalin jiray qaarada Afrika.

“Xiligan adag, waxan garab taagan nahay qoyskiisa, iyo dadka reer Nambia ee u boroorranaya waayitaanka hoggaamiyahoodii waynaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply