September 14, 2025

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shucayb.

 

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed ee doorka muuqda kasoo qaatay nabadda, xasilloonida, dib-u-heshiisiinta, adkeynta wadajirka shacabka iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

Xafiiska wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply