February 11, 2025

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo ku lebisan Dareeska  ciidanka xoogga dalka oo   goor dhawayd u duulay  degmada Xarardheere  ee gobolka Mudug.

Safarka madaxweynaha ayaa la filayaa inuu qeyb ka yahay dardar galinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo dhiirri galinta ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo uu safarka ku wehliyo madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale tagidoona degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxayna Muqdisho ka raaceen helikoptar ay leedahay Qaramada Midoobay.

Sidoo kale Safarka madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kusoo aaday, iyadoo Alshabaab ay dib u qabsadeen badi degaanadii Koonfurta Mudug ee laga xoreeyay sanado ka hor, degaanadaas oo ay u geeriyoodeen askar badan iyo saraakiil ciidan.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa la filayaa inuu la kulmo ciidamada iyo saraakiishooda kuna booriyo inay si degdeg dib ugu laabtaan degaanadii lasoo faarujiyay, lana xoreeyo degaanada weli Shabaabku ku sugan yahay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply