October 10, 2024

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo booqday xarunta Al-Azhar Al Shariif ee Magaalada Qaahira ayaa la kulmay Sheekh Axmed Maxamed  El-Tayeb oo ah Imaamka Al-Azhar.

Xasan ayaa kala hadlay Iiimaamka in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho, waxa uuna kala hadlay dagaalka fikirka ee ka  dhan ah Alshabaab iyo xaaladda kumannaanka arday ee wax ka barata Jaamacadda iyo Xarumaha Al-azhar.

Sidoo kale Madaxweynaha  ayaa sheegay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la sii xoojiyo hirgelinta macaahid diini ah iyo xarummo lagu wajaho fikirka xagjirnimada, waxa uuna  ku marti-qaaday Sheekh Axmed Al Tayib in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya si uu u soo arko horumka iyo miro-dhalka dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada  ayaa aqbalay casuumadda.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply