September 9, 2024

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in Somaliya iska difaaci doonto Gardarada Itobiya.

Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa 1-dii Jannaayo heshiis is afgarad ah gashay taas oo xeeb gaareysa 20 km ay Somaliland uga kireysaneyso dhul ay Soomaaliya ku doodday in ay leedahay isla markaan aan la bixin Karin.

Itoobiya waxay sheegtay inay doonayso inay saldhig ciidan ka samaysato halkaas, waxaanay soo bandhigtay suurtogalnimada aqoonsiga Somaliland oo ay ku beddelaneyso.

“Haddii Itoobiya ay ku adkeysato, Soomaaliya way iska caabin doontaa, wayna diidi doontaa,” ayuu madaxeyne Xsan Sheikh Maxamuud u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters kadib wareysi uu siiyay.

“Haddii ay dalka soo galaan, Soomaaliya waxay sameyn doontaa wax walba oo ay isku difaaci karto,” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale Ma uusan sii faah-faahin tallaabada ay Soomaaliya qaadi karto. Itoobiya iyo Soomaaliya oo daris ah ayaa ku dagaallamay dhul 1977-1978 iyo 1982kii.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

Leave a Reply