January 24, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka degay magaalada Riyadh ee caasimadda dalka Sucuudiga kadib markii uu martiqaad ka helay boqorka dalkaasi, Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis.

Qaybta warbaahinta ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in booqashadaas ay tahay mid shaqo, mana sheegin muddada uu dalkaasi joogayo.

Labada hoggaamiye ayaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga, istaraatijiyadeed iyo xiriirka labada waddan.

sidoo kale Booqashadan ayaa imanaysa saacado uun kadib markii madaxqeynuhu uu kasoo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Xarardeere iyo Ceeldheer oo uu kula kulmay ciidamada difaacaya labadaas magaalo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply