September 9, 2024

Wararka ka imaanaya Villa Somaliya ayaa sheegaya in  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  uu kulan wadatshi ah kula qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee ka tirsan Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xildhibaanada haweenka ah  ay udub dhexaad u yahiin difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed, madaxbannaanida iyo midnimada dalka, waxa uuna ku adkeeyey in doodaha socda ee dhammeystirka dastuurka ay ku kabaan arrimaha mudnaanta u leh Guud ahaan haweenka Soomaaliyeed si waafaqsan shareecadda Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

“Haweenka Soomaaliyeed iyagaa hormuud u ah oo nagu dhiirri geliya difaaca iyo xoreynta, waa kuwa dhexda u xirtay samata-bixinta xilliyadii adkaa. Dalka in uu dastuur dhameystiran yeesho haybad, sharaf iyo karaamo ayaa ugu kordheysa qofkasta oo door ku leh, waxan rabaa in aad uga shaqeysaan si cadaalad ah oo aad ku salaysaan  mabaadii’da aasaasiga ah ee mideynaya Ummadda”.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay Marwooyinka Labada Gole ee Baarlamaanka in ay matalaaddooda mideeyaan oo ay abaabulnaadaan si ay u xaqiijiyaan yoolasha ay hiigsanayaan.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply