September 12, 2024

Warar hor dhac ah oo ka imaanaya Villa Somalia ayaa sheegaya in  madaxweyne Xasan Sheekh mar kale qorsheynaya inuu ka guuro Muqdisho, isagoo degaya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Xasan shekh ayaa lagu wadaa in uu gaaro caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb  markii laga baxo Ciida.

Xubnaha dhanka amniga kala taliya madaxweynaha ayaa soo jeediyey inay muhiim tahay in dhulka Galmudug deg deg looga abaabulo dagaal ka dhan Al-Shabaab.

Sidoo kale Villa Somalia ayaa mar kale qorsheysay in Xasan Sheekh uu ka guuro Muqdisho oo la dejiyo Dhuusamareeb, si geed fadhi aan howlo kale ku mashquulin uu ugu noqdo dagaalka Al-Shabaab.

Inta ka dhiman bishaan Ramadaan ayuu Xasan Sheekh sii joogayaa Muqdisho, waxaana hadda socda abaabul xoog leh, si howlgalka loo bilaabo ‘bacdul Ramadaan.’

Ciidamada ugu muhiimsan ee dowladdu ku tashato waxay ahaayeen Gorgor oo labo guuto ka kooban, labo urur oo Gorgor ah oo aad u abaabulan ayaa joogta Xarardheere, balse ururradii kale ee Gorgor waxay ku jabeen dagaalladii Caad iyo Cawsweyne, waxayna u qeybsameen qaar dhintay, qaar baxsaday, qaar loo heysto gaadiidkii la furtay iyo hubkoodii oo maxkamad sugayaal ah iyo qaar iyagoo niyad jabay ku sugan degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply