Kulan uu yeeshay maanta baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.
Xildhibaan shekh shariif ayaa intii uu hadlaayay waxa uu ka baxay ajandaha shirka waxa uuna weerar toos ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Shariif oo kamid ah xubnaha sida wayn uga soo horjeedo wax ka beddelka dastuurka ayaa ugu dhaliilay dowladda hadda jirta arrimaha ammaanka iyo guud ahaan difaaca dalka.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ayadoo taasi ay jirto in aan lagu deg degin karin ansixinta dastuurka dalka, sida uu ku dooday Sheekh Shariif oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka.
Sidoo kale Waxaa kale oo uu si weyn uga horyimid qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan in dalka uu u guuro nidaamka madaxweynaha iyo ku xigeen, taas oo uu ku tilmaamay arrin halis ah.
Dhinaca kale Ugu dambeyn wuxuu eedeyn culus u jeediyay xukuumadda oo uu sheegay inay lugaha hayso baarlamaanka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.
Xafiiska Wararka Muqdisho