September 9, 2024

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in halkaas ay ka bilaabatay Kiis Dil ah oo loo haysto Askar katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo rasaas ay fureen ku dhintay Taliyahooda sida laga hor sheegay Maxkamadda.

Baareyaal kala duwan oo dabagalay Kiiskaan ayaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida kahor sheegay in askartaan markii hore ay isaga baxeen furimaha dagaalka gaar ahaan deegaanka Bacaadwayne kaddibna uu xigay Dilka Taliyaha.

Sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dhankiisa codsaday in Askarta kuwa sida gaarka ah ugu eedaysan Dilka Taliye Labo Xiddigle Mustaf Nuur Suudi lagu xukumo Dil toogasho ah halka kuwa kale xabsi la dhigo maadaama goobtii lagu ogaa ay isaga baxeen bilaa fasax.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in go’aanka dib laga soosaari doonno maxkamaddana ay dhagaysatay marqaatiyaal, eedda xafiiska Xeer Ilaalinta & difaaca Qareennada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply