January 25, 2025

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada booliska ee Puntland uu dil u gaystay gabar ardayad ahayd.

Gabadhan oo la oran jiray Ubax Yaasiin Cali ayaa u geeriyootay xabada uu askarigu riday.

Sida uu BBC-du u xaqiijiyey taliyaha qaybta booliska ee Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf, askariga dilka gaystay ayaa boolisku gacanta u dhigeen.

Wuxuu intaaas ku daray in wali baaritaan socdo sababta dhimashada gabadha.

Sidoo kale Marxuumada ayaa la sheegay inay ahayd ardayad dhigata mid ka mida jaamacadaha ku yaal magaalada Garoowe

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply