September 9, 2024

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay uu  ka dhacay shir deg-deg ah oo uu maamulka gobolka Banaadir isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga ee ka howlgala magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka qabsoomay xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana guddoomiyay kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed.

Sidoo kale waxaa shirkan ka qayb-galay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle sare Macalin Mahdi iyo Taliyaha Qeybta Guud ee NISA Gaashaanle Sare Muxiyadiin Warbac Shadoor.

Sidoo kale Ujeedka shirkan ayaa ahaa mid looga hadlayay dardargalinta sugida Amniga Caasimadda iyo xoojinta isku xirka wada shaqeynta laamaha amniga iyo bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply