October 5, 2024

Ciidanka kumaandooska Gorgor iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ee gacanta ku haya magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug  ayaa soo saaray amarro cusub, kuwaas oo ay ku sheegeen laamaha amniga in ay ku xaqiijinayaan ammaanka magaalada.

Taliska ciidanka oo la hadlay warbaahinta madaxa bannaan ayaa sheegay in magaalada gudaheed laga mamnuucay in xabad la rido marka ay jiraan dabaaldegyada; sida Aroosyada iyo nuuckasta oo xaflad ah.

Sidoo kale laamaha amniga magaalada ayaa Aroosyada ka dhacaya magaalada Xarardheera ka mamnuucay gawaarida tirada badan ee lagu galbiyo Arooska, taas badalkeed ay u ogal yihiin in lamaanaha lagu qaado hal gaari oo kaliya.

ciidanka gacanta ku haya amniga Xarardheere ayaa mamnuucay in Rag iyo Dumar ay hal meel kuwada caweeyaan, taas oo ku sheegay in ay u mamnuuceen sabab amni dartood oo lagu illaalinaya badqabka dadka deegaanka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply