February 11, 2025

Wararka ka imaanaya magaalada Jalalaqsi  ayaa sheegaya in Macalin Cabdulqaadir Ilka-case oo ahaa macalin iskuul oo ka tirsanaa barayaasha magaalada Jalalaqsi Ururku Alshabaab ay ku dileen deegaanka Shaw ee duleedka degmada Jalalaqsi .

Wararka ka imaanaya deegaankaas ayaa sheegaya geerida  Macalin Ilka-case ay sababtay kadib markii Alshabaab ay meel ku xireen macalinka oo qabay cudurka macaanka sidaasina uu ku dhintay .

Sidoo kale Dadka deegaanka ayaa sheegay in Macalin Cabdulqaadir uu ahaa bare aad u qiima badan oo soo saaray arday badan,

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply