TikTok ayaa sheegtay in mamnuucida suurtagalka ah ee app-keeda gudaha Mareykanka ay “dhib u geysan doonto xorriyadda hadalka” 170 milyan oo Mareykan ah.
Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa Sabtidii u codeeyay in la mamnuuco TikTok haddii mulkiilaha app-ka uusan xiriirka u jarin Shiinaha.
Sharcigu waxa uu qayb ka ahaa xirmo siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka oo ay ku jirto gargaarka Ukraine oo uu sharci noqon karo horraanta toddobaadka soo socda.
Bilihii la soo dhaafay, saraakiisha Mareykanka ayaa aad u hadal hayay TikTok.
Waxay sheeganayaan milkiilaha TikTok Bytedance in lagu arkay Beijing – eedeymaha oo ay si isdaba joog ah u beenisay TikTok.
Xafiiska Wararka Muqdisho