Antony Blinken oo furay shirka dalalka G7 ayaa sheegay in waddamadaan ay cambaareynayaan isla markaana dhaleeceeyn u jeedinayaan “Weerarkii aan horay loo arag” oo Iran ay Israa’iil ku qaadday Sabtidii, isagoo xusay in uu ahaa mid aan horay loo arag ” baaxad ahaan iyo miisaan ahaan labadaba “.

Blinken oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyay in Mareykanka ay ka go’an tahay ilaalinta ammaanka Israa’iil iyo ka hortagidda colaadda sii xoogeysanaysa ee ka jirta Bariga Dhexe.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in G7 ay sidoo kale ka go’an tahay in Iran lagula xisaabtamo tillaabadii ay qaadday, isagoo xusay in dowladda Mareykanka ay shalay ku dhawaaqday cunaqabateyn dheeri ah oo la saaray Tehran.

G7 waxa ay qaadi doonaan tillaabooyin dheeri ah oo Iran lagu saarayo cunnaqabateyn dheeri ah “maalmaha soo socda”, ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Blinken.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply