India ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay xukunno ku riddo burcad badeedda ay gacanta ku hayso.
Dalka India waxaa lagu hayaa burcadbadeed badan oo Soomaaliyeed kuwas oo laga qabtay xeebaha Soomaaliya iyaga oo ku jira falal la xiriira qafaalka maraakiibta isticmaasha badwaynta Hidia.
Markabka MV Abdullah ee lagu haysto xeebaha Soomaaliya islamarkaana u afduuban burcad-badeedda ayaa lagu wadaa in lacag madax-furasho laga bixiyo, si looga sii daayo kooxdaasi.
Sidoo kale Milkiilayaasha markabka MV Abdullah ee tan iyo bilowgii bishii Maarso gacanta ugu jira burcad-badeedda ayaa ku wargeliyay in heshiiska ay ku sii deynayaan markabka la dhammeystiri doono ka hor munaasabadda ciidul fidri
Xafiiska Wararka Muqdisho