Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shaqaalaha markabka MV Abdullah, oo ah markab xamuul oo ka babanaya calanka Bangladesh oo la sheegay in laga sii daayay burcadbadeedda Soomaalida ka dib hannaan gorgortan adag oo qaatay dhowr toddobaad.
Markabka iyo 23-shaqaale ee la socday ayaa la haystay tan iyo 12-kii Maarso, markaasoo ay burcadbadeeddu markabka ka afduubteen meel qiyaastii 600 nautical miles u jirta Muqdisho, Soomaaliya.
Kabir Group oo ah milkiilaha markabka iyo Mizanul Islam oo ah la taliyaha dhanka warbaahinta ayaa xaqiijiyay in markabka uu hadda ku sii jeedo magaalada Dubai. ” Badmaaxiinta caafimaadkoodu waa wanaagsan yahay waana ku faraxsanahay in la sii daayo,” Islam ayaa tiri, isagoo ku dhawaaqay in faahfaahin dheeraad ah lagu shaacin doono shir jaraa’id oo Axadda dambe lagu qabanayo xafiiska shirkadda Agrabad.
Sidoo kale Badmaaxiinta ayaa lagu soo waramayaa in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay. Waxay xiriir joogta ah la sameeyeen qoysaskooda, oo ay ku jiraan wicitaanno muuqaal ah oo ay fududeeyeen dadaallada diblomaasiyadeed.
Xafiiska Wararka Muqdisho