Waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Nabadoon Muxyadiin Cali Cariif ka dib rasaas ay ku fureen kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday xili uu ku sugnaa xaafada Siisii ee degmada Kaaraan ee magaaladamuqdisho.
Marxuumka ayaa isla goobta ku geeriyooday, iyadoo kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.
Muxyadiin Cali Cariif ayaa aabe u ahaa Cusmaan Muxyadiin Ali Cariif oo ah Maamulaha Furdada Garoonka diyaaraadaha Muqdisho.
Cusmaan Muxudiin Cariif ayaa sidoo kale mar soo noqday Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.
Sidoo kale Lama oga sababta loo dilay marxuumka iyo cida ka dambeysay, laamaha amaanka DF ayaa wada baaritaano ayaan illaa hadda ka hadlin dilkan.
Xafiiska Wararka muqdisho