October 5, 2024

 

Mas’uuliyiinta Morocco ayaa 30 qof ku xiray toddobaadkan magaalada Fes iyaga oo lagu soo oogay dacwado kala duwan taas oo qayb ka ah kiis ballaaran oo isugu jira hanjabaad, iyo ka ganacsiga ilmaha yar .

Wakaaladda wararka ee dalkaas ee MAP, ayaa sheegtay Arbacadii in tuhmanayaasha – oo ay ku jiraan wakiillo dhanka sharci fulinta ka tirsan, dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal caafimaad, iyo xirfadlayaal kale oo caafimaad – la xirxiray horraantii toddobaadkan.

Waxaa lagu eedeeyay in ay la shaqeeyeen hooyooyin aan la qabin si ay ubadka uga iibiyaan qoysaska doonaya in ay korsadaan.

Tuhmanayaasha qaar ayaa lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen fududaynta ilmo soo rididda, taas oo sharci darro ka ah Morocco marka laga reebo xaaladaha degdegga ah.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply