Mas’uuliyiinta Nigeria ayaa ku dhawaaqay in la doonayo boqorad hore oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahayd ka ganacsiga daroogada.
Hay’adda Sharciga Maandooriyaha Qaranka (NDLEA) ayaa sheegtay in Aderinoye Queen Christmas, oo sidoo kale loo yaqaan Queen Oluwadamilola Aderinoye, ay baxsatay markii ay ciidamo gaareengurigeeda oo ku yaalla magaalada Lagos todobaadkii hore.
Warbixin ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in howlgalku uu daba socday xog sirdoon oo la aamini karo oo ah in boqoraddii hore ee quruxda ay ku lug lahayd waxyaabo aan sharci ahayn.
“Waxaa laga soo helay gurigeeda intii lagu jiray baaritaanka ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiinta waxaa ka mid ah 606 garaam oo Canadian Loud ah, nooc synthetic ah oo xashiishad ah, tiro badan oo daawooyin ah oo baco ku xiran,” ayaa lagu sheegay bayaanka.
Ilaa hadda kama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay.
Eedeysane kale, oo ka soo laabtay Brazil todobaadkii hore, ayaa sidoo kale lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Murtala Muhammed, kadib markii lagu helay cabitaanka 60 xabbo oo kookayn ah, sida ay hay’addu sheegtay.
BBC
Office Nairobi Kenya