Maxamed Ibraahim oo magaca afgarashada loo yaqaano (Najiib) oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey Taliska Guutada 8-aad Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Qeybta 60-aad.
Maxamed Najiib oo muddo 3 sano ah Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada , ayaa ka qayb qaatey dagaallo dhowr ah oo ka dhacay Laamu iyo Mandheera ee Dalka Kenya .
Maxamed Ibraahim ayaa saraakiisha Ciidamada Qaranka u sheegay In tababar uu ku soo qaatey degmada Saakow ee Gobalka Jubadda Dhaxe ee maamulka Jubbaland.
Sidoo kale wuxuu farriin u diray saaxibadiisii, isaga oo ka codsadey in ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Office Nairobi Kenya