December 4, 2024

Maxkamad ku taalla magaalada Columbus ee gobolka ee Ohio ee dalkan Mareynakka, ayaa lagu wadaa maanta oo Khamiis ah ay xukun ku riddo nin ku eedeysan inuu dilay, Shekh Maxamed Xasan oo kamid ahaa culumada Soomaaliyed ee Waqooyiga America.

Nin kale oo isagana ku lug lahaa dilka Sheekha ayay Maxkamadda xabsi 31 sano ah ku ridday Talaadadi. Shekh Maxamed Xasan oo ahaa iimaamka Masjid ku yaalla magaalada Clombus, oo  la dilay bishii Decmebr ee sanadkii 2021.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dad kale ay u xiran yihiin Dilka Shekh Maxamed Xasan oo kamid ahaa culumada Soomaaliyed ee Waqooyiga America, waxaana lagu wadaa in dadkaas la sii daayo.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply