Maanta oo Isniin ah waxaa la dhagaystay wajiga labaad Kiiska nin ku eedeysan inuu nolosha ku gubay xaaskiisa kaas oo ka soo muuqday Maxkamada.
Waxa Maxkamada qaadayay Guddoomiyaha Maxkamada Salaax Dabaan waxaana dhinacyadu ay soo bandhigeen cadaymaha iyo marqaatiyaasha loo hayo sida uu u dhacay Kiiska.
Halka ay ka socotay Maxkamada waxaa sidoo kale ku sugnaa ehalada labada dhinac iyo dadwayne kale kuwaas oo la socday dooda ay soo jeedinayeen difaaciyaasha iyo dacwad oogayaasha.
Eedeysanaha ayaa marka hore maxkamadda ka hor sheegay sida uu ku billowday khilaafka isaga iyo xaaskiisi Luul, wuxuuna sheegay inay ka dalbatay furiin, isaguna uu ka diiday.
Kiiskan oo ah mid aad xasaasi ah ayaa waxaa si toos ah loogala socday shaashahadaha warbaahinta oo tan iyo saaka tabinayay.
Markii ay soo idlaatay wajiga labaad ee Maxkamada ayaa Guddoomiye Salaax Dabaan waxa uu ku dhaawaaqay in Maxkamadu ay xiran tahay keliya la sugayo natiijada go’aanka.
Xafiiska Wararka Muqdisho