October 5, 2024

Waxaa lagu dhawaaqay xukunka Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye)  oo aad u taageera Maleeshiyaadka Alshabaab waxaana  lagu Xukumay Sanado xabsi ah.

Sufyaan ayaa lagu soo eedeeyey aas-aasida Xisbi ku sheeg uu ugu magacdaray Talo-kunool, kaasi oo la sheegay in uu faafiyo fikradaha gurracan ee lidka ku ah Diinta , Dalka Soomaaliya iyo Dowladnimmada iyo sidoo kale Taageeridda Ficilada foosha xun ee waxa loogu yeero Argagixisada.

Taakeeye, ayaa waxaa lagu soo qabtay iskaashi amni oo ay wada yeesheen Sirdoonada Soomaaliya iyo Kenya Siddeed iyo labaatankii September 2023.

Waxa uu Baraha Xiriirka dadweynaha ku gudbin jiray fikirkiisa, isaggoo la sheegay in uu ku tashkiilin jiray Caamada in ay soo raacaan Xisbigiisa Talo-kunool.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Afar iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray Seddexda eedeysane, Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye), ayaa lagu xukumay 2 Sano oo il ku hayn ah, halka Ex Dable Xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle isna laga saaray ka mid ahaanshiyaha Ciidanka Xoogga.

Sidoo kale Maxkamadda waxa ay sii daysay Maxamed Cabdulqadir Cali Nuur (Sandheere).

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply