April 20, 2025

Ku dhawaad muran taagnaa laba bil Maxkamadda G/Banaadir ayaa muddeysay dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu xaaskiisa oo uur leh uu ku gubay Muqdisho.

Warqadda ay maxkamaddu soo saartay ayey ku muddeysay dacwaddan maalinta Arbacada ah ee lixda bishan Maarso.

Maxkamadda ayaa fartay Taliyaha CID-da qaybta dambi barista in uu maxakamadda hor keeno eedaysanaha taariikhda la asteeyay marka ay saacaddu tahay 12-ka duhurnimo.

Sidoo kale Kiiskan oo hadal hayn badan ka dhaliyey baraha bulshada ayey ka dhur sugayaan dad badani goorta lasoo gabagabaynayo iyo waxa xukunku noqon doono, waxaana la asteetat arbacada oo ku began bisha 6 deeda.

 

Xafiiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply