October 5, 2024

Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ee maamulka Somaliland ayaa maanta xukun sannad iyo lix bilood ah ku riday Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo maalintii shalay lagu xidhay magaalada Hargeysa.

Qoraal kooban oo uu bartiisa soo dhigay Nuuradiin Abees oo ah Walaalka Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa ku sheegay in maxkamadda ay Walaalkiisa ku xukuntay sanad iyo bar oo xarig ah, “Cabdiraxmaan saakaa 6 dii subaxnimo ayaa la xukumay sanad iyo lix bilood,” sida uu ku yiri qoraalka uu soo dhigay Walaalka la dhashay Abwaan Abees.

Sidoo kale Maalnimadii shalay ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo February 2, 2024 magaalada Hargeysa ku soo bandhigay Buug la magac baxay Mayal, kaas oo badi uu ku dhaliilayo xukuumadda Madaxweyne Muuse Bixi.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply